Home Wararka Maanta Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo si kulul uga Hadlay weerarkii ay Al-shabaab...

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo si kulul uga Hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS

0

Golaha ammaanka ayaa si kulul war uga soo saaray weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay Dowladda Soomaaliya iyo ATMIS ku doonayaan inay kaga hortagaan khatarta Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday ilaalinta guulihii illaa hadda laga diiwaan geliyey howlgalka ka socda Soomaaliya ee looga soo horjeedo Al-Shabaab ka hor inta aan kor loo qaadin tayada taageerada ciidamada amniga iyo howlgalka cusub ee ATMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dambiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalka argagixisanimada ah oo ay ula jeedaan weerarada ka imaanayo kooxda Al-Shabaab.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay oo ah mid kuwii hore ka kulul ayaa kusoo aadayo xilli in ka badan 40 Askari oo ka tirsan Askarta ATMIS lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Ceelbaraf 3-dii bishaan May, waxayna ciidamada la laayey kasoo jeedeen dalka Burundi.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Furay Wadooyin Toban Sano Ka Badan Alshabaab Go’doomiyeen
Next articleKooxda Nabad iyo Nolol oo Xildhibaanada Federaalka u soo Bandhigay Lacag aan caadi ahayn si Codka usiyaaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here