Home Wararka Somaliya Sarkaal ka Tirsan Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamadda Dowladda ee Gobalka...

Sarkaal ka Tirsan Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamadda Dowladda ee Gobalka Mudug.

0

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka xoogga Dalka ee ku sugan jiida hore ee Magaalada Bacaadweyne, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Guutada 13-aad, Qaybta 21-aad ee qaybta ka ah howlgalada culus ee Alshabaab looga saarayo Deegaanada dhuumaaleysiga ay ku joogaan ee aaga Camaara.

Horjoogahan oo uu magaciisa Af-garashadu ahaa Cabdiqani, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii shabaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Cabdule Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin, sida ay Baahisay idaacadda Ciidamada qalabka Sida.

Ad
Previous articleDil ka dhacay Galgaduud iyo xiisad Colaadeed oo Wili Taagan
Next articleDadaalo laga dhex waday Raisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo Fashilmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here