Home Wararka Somaliya Wararka ugu danbeeyay Barlamaanka oo maanta ka laabanaya muddo kordhintii Hay’addaha dowladda

Wararka ugu danbeeyay Barlamaanka oo maanta ka laabanaya muddo kordhintii Hay’addaha dowladda

0

Guddoonka Golaha Shacabka ee muddo xileedkiiso dhamaaday ayaa maanta lagu waddaa in uu shir gudoomiyo kulan uu ku hortagi doono Madaxweyne Farmaajo kaasoo looga laaban doono Muddo kordhintii si weyn looga soo horjeestay.

Gudoonka Golaha ayaa maanta ku wargaliyay xildhibaanada in ay soo xaadiraan , iyadoona Ajendaha uu yahay hadal jeedinta Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu baarlamaanka ka codsado sidii dib loogu noqon lahaa heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii bishii September, Golaha Shacabkuna ay ka aqbalaan arrintaas.

Waxaa Madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in ku wareejiyo howlaha doorashooyinka Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kalsooni ay ku qabaan dhamaan dhinacyada Soomaalida.

Ad
Previous articleCabdiweli Gaas oo ka Hadlay Ciidanka Kasoo horjeeda Mudo kordhinta Madaxweyne Farmaajo iyo Go’ankiisa
Next articleFarmaajo oo Maareen la’ Siyaasada Dalka ayaa 8 Bil Gudahood 3 Jeer Golaha Hortegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here