Home wararka Dalka Sawiro Ciidan Gadoodsan oo la Wareegay Wadooyin Muqdisho ka tirsan…

Sawiro Ciidan Gadoodsan oo la Wareegay Wadooyin Muqdisho ka tirsan…

2

Ciidamo aad u hubeesan oo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa manata xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, Ciidankan ayana gaadiidka kala duwan u diiday in ay maraan wadooyinka u xiran.

Sida ana Wararka ku heleyno ciidankan oo wata gaadiidka dagalaka iyo hub badan ayaa isugu soo baxay Wadooyinka Muqdisho qaarkood, waxa ayna ciidankan ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan dhoor bilood lasoo daristay.

Ciidamada Milatariga ayaa xiray Wadada KM-4 ilaa Isgooska Banaadir, waxa ay sidoo kale ciidamada gaadiidkooda dagaalka iyo dhagxaan ku xireen wadooyin kale oo kuyaala magaalada Muqdisho oo muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka.


Sida aan wararka ku heleyno Ciidamada ayaa isku sii fidinaya wadooyin kale oo kuyaala magalada Muqdisho ay xirayaan, waxaana jirta cabsi ay dadka ka qabaan in ciidanka gadoodsan ay waxyeelo u geestaan dadka iyo goobaha ganacsi.


Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin gadoodkan ay sameeyeen ciidanka Milatariga Soomaaliya, waana markii ugu horeesay oo gadood ceynkan ah ay sameeyana ciidanka qalabka sida gaar ahaan kuwa Milatariga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

  1. INTAY WADOOYINKA XIRAYAAN XAQOODII MAY ALBAABADA ISUGU DHUFTAAN XAFIISKA UNSOM EE MICHEAL KAETING,WAA MEESHAAS MEESHA XAQOODII LAGU CUNAY,BAQSAY,CUNAQABATEYEY,,

  2. MEESHA LAGA RAGAADIYEY CIIDAMADA QARANKA WAA XAFIISKA UNSOM SOMALIA EE MICHEAL KAETING FADHIYO,HALKAAS WAA INAY KU BANAAN BAXAAN OO KU GADOODAAN SHACABKANA CULAYSKA KA QAADAAN,,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here