Home Wararka Maanta Deg Deg: P.M Rooble oo Cawa Kala Diray Guddigi Doorashooyinka iyo Fahad...

Deg Deg: P.M Rooble oo Cawa Kala Diray Guddigi Doorashooyinka iyo Fahad oo Dharbaaxo kale Ku dhacday

0

Ra’iisul Wasaaraha  Xukumadda federaalka Soomaaliya  mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyaddii doorashada  dadban , isagoo uga mahadcelyay  sidii wanaagsanayd ee ay u gudteen Waajibaadkoodii.

Rooble ayaa qoraalkiisa ku sheegay in kuraasta guddigu horey u hakiyey ay doorashadooda qaban doonaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyagoo raacaya habraacyadii doorashooyinka xubnaha labada aqal

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili warar soo baxay ay sheegayaan in Guddiga doorashada FEIT qorsheynayo inuu saacadaha soo socdo uu fasaxo Kursiga HOP086 oo horay doorashadiisa u hakiyay, kaasoo uu ku soo baxay Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee NISA.

Wararka ayaa sheegaya iney heer gebobebo ah marayaan wadahadalo u socday labadii maalmood ee la soo dhaafay xubno ka tirsan Guddiga iyo Ergo ka socotay Fahad Yaasiin, iyadoo talaabada Rooble uu ku kala diray guddiyadan ay dhabarjab ku tahay dedaalkii lagu fasixi lahaa Kursiga Fahad Yaasiin.

Ad
Previous articleTaliyaha cusub ee NISA oo Xilka La Wareegay
Next articleGuddiga Doorashooyinka oo War kasoo Saaray Kala Diridii uu P.M Rooble kala Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here