Home Wararka Caalamka Inka Badan 100 Ruux Oo Ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Gobalka IMO

Inka Badan 100 Ruux Oo Ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Gobalka IMO

0

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo aad u badanina way ku dhaawacmeen qarax xooggan oo ka dhacay warshad u hawlgasha si sharci-darro ah oo sifeysa shidaalka ceydhiin oo ku taalla Koonfurta-bari ee dalka Nigeria.

Wararka ayaa sheegaya in dab uu ka kacay warshadda, kaasoo si degdeg ah ugu fiday laba goobood oo lagu kaydiyo shidaalka, waxaana taasi ay sababtay in dabku wada gaadho guud ahaan dhismaha isaga oo markii dambena ku faafay dhismayaasha ku hareeraysan, sida uu xaqiijiyey Declan Emelumba oo guddoomiyaha warfaafinta ee gobolka IMO.

Waxaa haatan la baadhayaa, sababta keentay qaraxa iyo weliba khasaaraha uu geystay dabka ku faafay dhismayaasha wersheddaasi.

Muuqaallo argagax leh oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dadka ku gubtay dabka ka kacay wersheddan.

Micheal Abattam oo ah afhayeenka taliska booliska ee gobolka Imo ayaa yidhi “Dad badan ayaa dhintay, dadka dhintay dhamaantood waa shaqaale ka hawlgelayey wersheddan”

Maamulka gobolka Imo ayaa baadigoob ugu jira inay gacanta ku dhigaan mulkiilaha warsheddan sida sharci-darrada ah u sifeysa shidaalka ee uu qaraxani ka dhacay.

Nigeria waxaa ku badan warshadaha sifaynta shidaalka ee sida sharci-darradaha ah u hawlgala, waxaana inta badan ku lug leh, ganacsato doonaya inay ka dhuuntaan sharciyada lagu maamulo sifaynta shidaalka iyo cashuuraha ay dawladdu ka qaaddo.

Dalka Nigeria ayaa ah dalka shidaalka ugu badan soo saara qaaradda Afrika, hase ahaatee dalkani wuxuu leeyahay wershedo aad u kooban oo si rasmi ah u qaabilsan sifaynta shidaalka.

Ad
Previous articleXildhibaanadii lagu Doortay Ceel-Waaq oo la siiyay Shahaadada Xildhibaanimo (Sawirro)
Next articleHalka lagu Qabanaayo Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here