Home Wararka Maanta Masuulkii la sheegay in xilka looga qaaday ‘booqashada Laascaanood’ oo faahfaahin bixiyay

Masuulkii la sheegay in xilka looga qaaday ‘booqashada Laascaanood’ oo faahfaahin bixiyay

0

Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa hadal hayn ka dhaliyay in xilkii laga qaaday Janaraal Siyaad Maxamuud oo ahaa Taliyaha Huggaankii Hawlgalinta Booliska Soomaaliyeed, iyada oo qaar kamid ah dad ku macneynayaan booqashadii uu ku tagay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Janaraal Siyaad oo todobaadkii hore gaaray Laascaanood ayaa warbaahinta ka soo muuqday isaga oo kulamo la qaadanaya hoggaanka SSC.

Dhanka kale Janaraalka ayaa ka soo muuqday warbaahinta mar kale isaga oo tababar u soo xiraya ciidamo boolis ah oo uu leeyahay maamulka SSC. Hadal uu goobtaaska heediyay ayaa u badnaa dhiiro galin.

“Booliska bulshada ayuu ka yimaadaa, boolisku waa saaxiibka buslahada. Qodobada ugu muhiimsan waxaa weeye, ninka booliska ah ee anshax toosiyaha ah, inuu isagu anshaxiisa toosiyo”, ayuu ka yiri goobta Janaraal Siyaad.

Siyaad ayaa hadalkiisa ku xusay in ciidamada uu tababarku u soo xirayay ay ahaayeen, ciidamada ugu horeeyay ee boolis ah ee uu yeelanayo maamulka SSC.

Muxuu xilkiisii ku waayay?

Sida ay noo sheegeen Booliska Soomaaliya, dhawaan waxaa isku shaandhayn xilalka ciidamada boolsika ku sameeyay taliyaha ciidanka booliska Janaraal Sulub.

Taliyaha Hoggaanka hawlgalinta Booliska ayaa kamid ah masuuliyiintii booliska ee isku sshandheyntaan xilkooda ku waayay, sida ay BBC u xaqiijiyeen Boolisku.

Sidoo kale boolisku waxay sheegeen in xilka qaadista taliyaha aysan wax ku lug lahayn booqashadiisii Laascaanood, oo ay wax kama jiraan uu yahay hadalka ku baahay baraha bulshada.

Dhanka kale janaraal Siyaad ayaa dhankiisa sheegay in taliska boolisku ay ka war hayeen safarkiisa Laascaanood, ayna tahay wax mar walba dhaca in la badalo masuuliyiinta booliska.

Janaraalka ayaa haatan ku sugan deegaanada SSC oo ka soo jeedo.

Siyaad ayaa muddo dheer ku soo jiray booliska Soomaaliya, isaga oo soo noqday taliyihii hore ciidmada Birmadka ee Booliska Soomaaliya.

Milatariga Soomaaliya muxuu horay uga yiri ciidamadii aaday dagaalkii Laascaanoood?

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo BBC la bishii Maarso ee sanadkaan 2023 da, ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan raali ka ahayn in askarta qaranku ay ka qayb galaan dagaalka laascaanood oo xilligaas socday.

Isaga oo ka jawaabayay qaar kamid ah ciidamada milatariga oo ka soo muuqday laascaanood ayuu sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinamadiisa.

Blase taliyuhu wuxuu xilligaas ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaano, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka.

Xubno askar ah iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa waqtigii uu socday dagaalku marar badan ka soo muuqday warbaahinta iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka.

Saraakiishii ku dhimatay dagaalkaan ayaa wxaaa kamid ahaa taliyiii hore ee ururka afaraad ee ciidamada Danab, sidoo kalana soo noqday taliyaha cutub boliis qaas ah, oo shaqadoodu tahay in ay baaritaano ka sameeyaan goobo aan laga fileyn oo kamid ah caasimadda Muqdisho.

Dagaalka ayaa sababay qasaare naf iyo maalba leh, halka ay ku barakaceen boqolaal kun oo qoys.

Dagaalkii fool ka foolka ahaa ee Laascaanood ayaa soo afjarmay dabayaqaadii bishii Agust, kadib mudo sanad ku dhaw oo socday, iyada oo haatan gacanta ku hayaan ciidamada SSC saldhigii ugu waynaa ee Somaliland ku lahayd gobolka Sool ee Goojacde.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Maxkamada Gobalka Banaadir oo Xukuno ku Riday Masuuliyiintii loo Haystay Xatooyo Xoolo Dad wayne iyo Masuuliyiinta Qaar oo lasii Daayay
Next articleGallad Cilmi Dhuxul oo Gaari ka Horgeeyey mid kamid ah Gaariyaashi Qaraxyada Siday ee lagu Weeraray Dhuusamareeb iyo Kahasaaraha Ka dhashay Qaraxyadaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here