Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Kooxda Hirshabeele oo noqotay kooxda ugu nasiibka badan Ciyaaraha ka socda Muqdisho

Kooxda Hirshabeele oo noqotay kooxda ugu nasiibka badan Ciyaaraha ka socda Muqdisho

0

Kooxda Kubadda Cagta ee Hirshabeelle oo hadda kaalinta 3-aad kaga jirta kala sareynta Tartanka Kubadda Cagta Maamul Gobolleedyada oo sugeysay in ciyaarta u dambeysa ay la ciyaarto Kooxda Koonfur Galbeed ayaa waxa u soo yeeraya war wanaagsan oo ah in Kooxda Koonfur Galbeed ay ka baxday tartanka.

Sida uu dhigayo xeerka tartanka haddii kooxi ka maqnaato ciyaarta ay ku balansanayd, waxa dhibacaha la siinayaa kooxda soo xaadirtay, taas oo ka macno ah in Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle ay mar kale helayso sedex dhibcood oo kale oo aanay u dhididin.

Kooxda ayaa horey seddex dhibcood u heshay kaddib markii la ganaaxay kooxdii la ciyaaraysay ee Banaadir, markii ciyaarta la joojiyay daqiiqaddii 70-aad markaas oo rabshado ay ka dhaceen garoonka.

Kooxda Kubadda Cagta ee Hirshabeelle haddii ay hesho dhibcaha ay dhib la’aanta sugeyso, waxay tagi doontaa todobo dhibcood, iyadoo hoggaanka u qaban doonta tartanka.

Ad
Previous articleKooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed oo saaka dib ugu laabanaysa Baydhabo kaddib markii…
Next articleDowladda Itoobiya oo markii u horreysay qiratay culays xoogleh oo kasoo wajahay dhanka Soomaaliya,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here