Home Wararka Somaliya Puntland Dani oo muddo ka badan afartan maalmood ka maqan Puntland iyo...

Dani oo muddo ka badan afartan maalmood ka maqan Puntland iyo Halka uu ku Maqanyahay

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani ayaa la sheegayaa in muddo ka badan afartan maalmood uu ka maqanyahay magalaada Garowe oo ah caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Mudadaas warbaahinta kama soo muuqan, mana la shaacin hawsha uu ku maqan yahay. Balse warbaahinta ayaa baahisay warbixin ku aadan in kulan uu la qaatay masuuliyiinta dawladda Imaaraadka Carabta oo uu kala hadlay sidii ay u maalgashan lahaayeen dekadda garacad.

Dad badan ayaa bilaabay inay is weydiiyaan halka uu madaxweynuhu ku maqanyahay iyo sababaha ka dambeysa maqnaashihiisa. Daka qaar ayaana u fasirtay in ay noqon karto sababo caafimaad oo madaxweynuhu uu dalka dibaddiisa ugu maqanyahay.

Mudada oggolaanshaha dastuurka Puntland ee madaxweynuhu uu dalka ka maqnaan karo ayaa xaddidan, iyadoo marka loo eego maqnaashaha madaxweyne Deni ay aad uga badantahay inta dastuurku uu fasaxayo.

Haddaba si aan arrintaas maqnaashaha madaxweynaha Puntland wax uga ogaanno waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, isaga oo ugu horreyn sharraxaad ka bixiyay sida ay u socdaan howlaha maamulka ee haatan iyo hadal heynta ka dhalatay maqnaashiyaha madaxweynaha Puntland.

Wasiirka oo aan ugu horreyn aan weydiinnay waalaca ka dhashay maqnaashiyaha madaxweynaha ayaa yiri: “Ma aha in aad tiraahdaan walaac ayaa ka dhashay arrintaas… madaxweyne kuxigeenka ayaa jooga oo ah kusimaha madaxweynaha,”.

Puntland oo muran ka dhashay doorashooyinka uu taagnaa bilooyinkii u dambeeyay ayuu sheegay in maamulku wado shaqooyinkii lagu qaban lahaa doorashooyinkaas. Wuxuu carrabka ku dhuftay in xisbiyada oo dhawaan ku tartamay doorashooyinka golaha deegaanka ay shaqadooda wataan oo aysan madaxweynaha waxba uga xirnayn.

Wasiir Caydiid ayaa yiri: “Qolada shakiga qabtaa ee durbaannada beenta ah garaacaneysa meel kale haka garaacdeen oo aan Puntland ahayn. Dowladda Puntland waa dowlad waligeed soo jirtay, waa dowlad 25 sano soo jirtay waxa ay leedahay shuruuc, cid walbaana shaqadeeda loo igmaday ayey haystaa.”

Balse waxaan mar kale way diinay waxa sababay in mudadada intaa la’eg uu madaxweynuhu ka maqnaado magaalada Garowe, wuxuuna sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ad
Previous articleATMIS oo Aqbashay Codsigii uga Yimid Madaxweyne Xasan shiikh
Next articleAmaanka Dhuusamareeb oo la Adkeeyey iyo Qaraxyo kale oo laga Cabsi Qabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here