Home Wararka Maanta Dowladda Itoobiya oo ka codsatay IGAD qabashada shir deg deg ah...

Dowladda Itoobiya oo ka codsatay IGAD qabashada shir deg deg ah oo Badda Soomaaliya looga Hadlaayo

0

Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay urur goboleedka IGAD qabashada shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda IGAD, kaa oo looga hadlayo xiisada ka dhalatay heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya qoraal kasoo baxay ayaa looga codsaday dowladda Jabuuti oo xilligan ah hoggaanka IGAD in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in shirka IGAD isugu imaanayaan ay xukuumadda Adis Ababa dooneyso in ay  macluumaad dheeraad ah kaga bixiso heshiiskii Somaliland ay la galeen 1-dii bishan.

Hoggaanka IGAD ayaan la ogeyn in ay aqbali doonaan codsigan cusub ee ka yimid Itoobiya oo horey uga cudur daaratay shir ay madaxda IGAD ku yeesheen magaalada Kampala ,kaa oo looga hadlayay xiisada ka dhalatay heshiiskii Itoobiya la galeen Somaliland.

Ad
Previous articleHirShabeelle oo shaacisay cidda ka dambeysa dagaal beeleedka Xawaadle iyo Abgaal
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Lix Sarkaal oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo La Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here