Home Wararka Somaliya Somaliland Musse Biixi “Dadka Xamar joogaa waxay ku leeyihiin Shabaabka nalaynaya ee na...

Musse Biixi “Dadka Xamar joogaa waxay ku leeyihiin Shabaabka nalaynaya ee na qarxinaya ayaa nooga dhaw Somaliland oo la ictiraafo”

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaadda Ciidul-fidrida ayaa ku dheeraaday qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland, isaggoo eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka.

Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Muqdisho ay is qaawisay, islamarkaana ay banaanka usoo saareen iyada iyo dadkeedu naceybka xad dhaaf ah ee ay u qabaan Somaliland, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Soomaaliya.

“Dadka Xamar joogaa waxay ku leeyihiin Shabaabka nalaynaya ee na qarxinaya ayaa nooga dhaw Somaliland oo la ictiraafo,” ayuu yiri Muuse Biixi oo sheegay inay Xamar ka xun tahay wixii usoo kordha Somaliland.

Waxa uu intaas kusii daray “Anigu taasan u arkaa waana walaalkay waana kii aan wax u geeyey, waana kaan sharfay, waana kaan leeyahay walaalo aynu kala garbaxno, culimo, caamo iyo waxgarad bal caqligaasi siduu yahay ha la eego ayaan leeyahay Soomaali oo dhan ee maaha inteena halkan joogta oo qudha.”

Mudane Biixi ayaa sidoo kale waxa uu tallaabooyinkii u dambeeyay ee Muqdisho ku tilmaamay kuwa aan caqli-gal aheyn, isaggoona ku dooday in Somailand ay tahay dal madax-banaan, inkasta oo caalamka uu taasi u aqoonsaneyn.

“Suurta-gal maah sidaasi, wax la qaadan karana maaha, saddexdii midiba gaar isu taagtayna weli nin soomaaliyeed oo saddexdaa ka mid ah oo yidhaahda war meesha waxbaa qaldan, waana la kala garleeyahay ma hayno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa meel adag iska taagtay is-afgaradkii Addis Ababa ee Somaliland ay sheegtay inay Itoobiya dhul badeed uga beddelaneyso aqoonsi, ayada oo tan iyo markaas ay sii kala fogaadeen Muqdisho iyo Hargeysa.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay Kaliya Sababta uu xilka uga Dagaayo 2026
Next articleCabsi Xoogan oo Ka Tagaan Muqdisho iyo Ciidamo Farabadan oo lagu soo Daadiyay Wadooyinka Caasimada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here