Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa in uu maalmaha dhaw si dhaqsi ah u tago furimaha hore ee Gobolka Mudug, si uu ula hadlo ciidamada kasoo baxey magaalooyin dhawr ah oo khawaarijtu dib ula wareegtay, kuwaas oo ka gadoodsan ballamo ay sheegeen in dowladda Soomaaliya uga baxday.
QoorQoor ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee ku baxa ciidamada furimaha soo banneynaya, iyadoo la xasuusto in bartamaha bishii September ee sanadkii hore qarax lagu eegtay QoorQoor isla furimaha ay ciidamadu soo baneeyeen hadda.
Ciidamadaan ayaa isaga Baxay Dhowr Magaalo oo Waawayn kuwaas oo Alshabaab Dib u Qabsadeen Sida Caad Camaara iyo Baacaadwayne oo Saraakiil Sarsarw ku nafwaayeen.
Ad