Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland iyo SSC Khaatumo oo Dagaal Culus Dhexmaray Maantay

Soomaaliland iyo SSC Khaatumo oo Dagaal Culus Dhexmaray Maantay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo kala taageersan maamulka Khaatumo iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland uu iska hor imaad ku dhex maray meel u dhow degmada Oog oo qiyaastii ilaa 100 KM u jirta magaalada Laascaanood.

Dagaalkan ayaa daba socday mid saaka labada dhinac ku dhex maray Buq-dharkayn oo ku taal duleedka tuulada Yeyle oo 120 KM ku dhowaad waqooyi galbeed laascaanood kaga quman.

Dagaalkaas saaka ayey wararku sheegayaan in labada dhinac ay uga dhinteen in ka badan 6 qof, tiro intaa ka bandanna ay kaga dhaawacmeen.

Ciidankaas uu saaka dagaalku dhex maray ayaa wararka ay sheegayaan in ay ahaayeen sahan labada dhinac ka tirsan oo isku dhacay.

Galabnimadii ayey wararku sheegayaan in dagaal kii hore ka xoog badan uu labada dhinac ku dhex maray, laakinse uu istaagay.

Dagaalka ayaa salka ku haya shilal iyo aanooyin qabiil, kuwaasoo maalmihiila soo dhaafay dhex marayey labada dhinac. Khasaaraha dhimashada ayaa lagu sheegay in ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo labada dhinac ah.

Ad
Previous articleLaba askari oo Laba Habeen kahor lagu Dilay Guriceel oo aan wali laduugin
Next articleXarun kale oo Hormuud leedahay oo Cawa Markale Qaraxyo lagu weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here