Home Wararka Maanta Al Shabaab oo Shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Cabdullaahi Waafoow

Al Shabaab oo Shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Cabdullaahi Waafoow

0

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay nin jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray ayaa 27-kii bishii hore ee July lagu dilay guddoomiyihii magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose Cabdullaahi Waafow iyo xubno kale oo la joogay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu dilay guddoomiyihii magaalada Marka, waxa ayna sheegeen Al Shabaab in masuulkan muddo fog kudaba jireen ugu dambeena ku guuleesteen in ay dilaan.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in qaraxa ismiidaaminta ah ee lagu dilay Cabdullaahi Waafow uu fuliyay Maxamed Cali Cabdi oo ahaa wiil 22-sanno jir ah oo ku dhashay gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida Al Shabaab baahiyeen ninkan qaraxa ismiidaaminta ah fuliyay ayaa kasoo jeeday beesha  Jiiddo gaar ahaan jufada gaytiri, waxa uuna wiilkan ku dhashay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa inta badan baahisa wareysiyo ay ka qaadaan raga fuliya weerarada ismiidaaminta ah, waxa ay sidoo kale soo bandhigaan qabiilada ay kasoo jeedaan iyo sidoo kale dardaaran ay u reebaan raga kale ee kala tirsan Al Shabaab

 

Ad
Previous articleGolaha Shacabka Oo Loogu Baaqay Ineysan Ansixin Wasiiradda Cusub Ee Soomaaliya.
Next articleHaweeneyda Mareykanka ah ee ku kaliftay Shiinaha in uu cabbeysto gantaalladiisa riddada dheer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here