Home Wararka Caalamka Paul Kagame oo sheegay in uu ka fikirayo in xilka uu sii...

Paul Kagame oo sheegay in uu ka fikirayo in xilka uu sii hayo 20 sano oo kale

0

Hoggaamiyaha Rwanda Paul Kagame—oo xilka hayay in kabadan 20 sano ayaa sheegay inuu ka fikirayo in uu xafiiska sii joogo 20 sano oo kale.

Waxaa uu u sheegay teleefishin kasoo baxa Faransiiska in uu u tartamayo xilka madaxweynaha doorashada nagu soo aadan ee ka dhaceysa Rwanda.

Ninkan 64-ka ah ayaa sanadkii 2015-kii baddalay dastuurka dalkaas si uu u helo fursad uu xilka kusii hayo tan iyo 2034-ka.

Doorashadii madaxtinimo ee ugu dambeysay ee Rwanda waxay natiijada muujineysay in Kagame uu helay boqolkiiba 99 codadkii la dhiibtay.

Madaxweyne Kagame ayaa si weyn u difaacay kaalinta dalkiisa uu ka qaatay ilaalinta xuquuqda aadanaha kadib shirkii dalalka ka tirsan ururka barwaaqo sooranka ee ka dhacay caasimadda magaalada caasimadda ah ee Kigali.

Ad
Previous articleAmiirka Guud ee AlShabaab Abuu Cubayda oo fariin u Muuqatay sagootin usoo diray Ciidamada ATMIS
Next articleMadaxweynihii gurigiisa xoogga lagu galay oo is casilaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here