Home Wararka Maanta Imaaraadka Carabta oo Heshiisiiyay AXmed Madoobe iyo Dowlada Itoobiya

Imaaraadka Carabta oo Heshiisiiyay AXmed Madoobe iyo Dowlada Itoobiya

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa socdaalkii u horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay oo khilaaf xooggan soo kala dhex galay, kaddib isku daygii Ciidamada Kumaandooska Itoobiya ku doonayeen inay ku soo qabtana Agosto 2019.

Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka shaqeeyeen isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya, waxaa uu maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shidde, Madaxweynaha dowlad Deegaanka Mustafa Cagjar iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa uu la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka Itoobiya, oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howlgalada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee bilaabanaya deegaanada Jubbaland oo horay maamul ahaan ka saluugsanaayeen qaabka howlgaladaas loo bilaabayo.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Soomaaliland oo Madaafiic Ku Garaacay Magaalada Laasacaanood(Sawiro)
Next articleBooliska Muqdisho oo ugu dambeyn soo qabtay Yuusuf Axmed Max’uud oo la Baadi Goobaayay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here