Home galmudug Cabdiweli Gaas oo Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka Codsaday Ka Qeyb...

Cabdiweli Gaas oo Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka Codsaday Ka Qeyb Galka Furitaanka Garoonka Boosaaso ”Muxuu kala Kulmay”

0

Sida ay Tilmaamayaan Warar Hoose oo Mudug24 Heshay Madaxweynaha Maamulka puntland Cabdiweli Gaas Ayaa ka Codsaday Madaxda Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed in ay kala Qeyb Galaan Furitaanka Garoonka Boosaaso,

Madaxweynaha Galmudug Ayaa Diiday in uu ka Qeyb Galo Furitaanka Garoonka Boosaaso Waxana Markale Cabdi kariin Arinkaasi Shalay u soo Bandhigay Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbland inkastoo Arinkaasi uu Markii labaad uu Diiday,

Dhanka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Ayaa Diiday Dhankiisa in uu ka Qeyb Galo Furitaanka Garoonkaasi Madama Maamulka Puntland uu Qabiil ku Taageeray Maamulka Bakool Sare,

Cabdi weli Gaas ayaa Taasi Badalkeeda Waxa uu u Yeeray Siyaasiyiin Hore Sida Raisal Wasaarayaashii Hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi iyo Cabdiweli Shiikh Axmed Taasi oo ula Jeedka uu yahay in Lagu Daboolo Kaalinta Galmudug iyo Koonfur Galbeed,

Go.anka Ay Qaateen Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed Ayaa Muujineysa Kartida Awoodeed ee Maamuladaasi ku Leeyihiin Dalka,

Gaas Ayaa Dhanka kale isla Shalay Xassan Shiikh ku Casuumay Xaflada Furitaanka Garoonka Waxana Maanta lagu Wadaa in uu ka Qeyb Galo Furitaanka Waxana Xasan uu u Muuqdaa Mid kusii Dhacaya Dabanka Maamulka Puntland,

Mudug24, Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here