Home Wararka Maanta Xildhibaan qaali Cali Shire oo Weerar Afka ah ku Qaaday Xildhibaan Daahir...

Xildhibaan qaali Cali Shire oo Weerar Afka ah ku Qaaday Xildhibaan Daahir amin Jeesoow

0

Xildhibaanad Qaali Cali Shire ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Aamiin Jeesow oo maalmihii dambe kasoo muuqday olole cadaalad loogu raadinayo Ikraan Tahliil.

Qaali ayaa sheegtay in Jeesow uu hore uga aamusay kiiska Ikraan oo hadda maqnaashaheeda uu sanad jirsanayo, islamarkaana ay hadda tahay isdaad-raacin dalabkiisa ku aadan in Guddi loo saaro kiiskaas.

“Shalay waa ka aamustay oo waxa fiirsatay danahaaga qaaska ah, maanta oo laga joogo sanad in aad tiraahdo guddi ha loo qabto waa hadalka uu Fahad yiri oo kale ee ahaa waxa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha, Mahad iyo Al-Cadaalla, iyo dad uu soo eedeeyay,” ayey tiri.

“Shalay awood ayaa haysatay oo waxa madax ka aheyd hay’addii dambi baarista ee dalka, ma dhihi karna hadalka maanta ee Fahad waa sanbuuse laga eedamaya, ragii shalay kusoo eedeyay isaga oo awood buuxda haystay.”

 

Sidoo kale waxay sheegtay inaysan kasoo horjeedin in guddi uu Golaha u saaro cadaalad u helida Ikraan, hase yeeshe aysan marnaba aqbali doonin isdaad-raacinta Jeesow iyo dadka lamidka ah ee saaxiibadood dhaceen.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo maanta hadal ka jeediyay kulankii Golaha Shacabka ayaa sheegay in uusan ku qancin isku eedeynta faraha badan ee maqnaanshaha Ikraan Tahliil iyo hadalkii kasoo yeeray Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxa uu dalbaday in Guddi baaris loo saaro kiiska Ikraan oo tuhuno hor leh ku xeeran yihiin, kuwaasi oo ka kala socda Golaha Shacabka iyo Xafiiska Madaxweynaha.

 

 

 

 

Ad
Previous articleFahad yaasiin oo Maantay Markale Daaha Ka Rogay Xogtii Ciidamadii loo Qaaday Eriteriya
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi ka kooban 16 xubnood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here