Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa wali wada baaritaano ay ku soo qabanayaan ruuxii Albaabka Masjid ku yaala magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ku dhajiyay Hilib Doofaar.
Saraakiisha Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da qeybteeda Booliska ayaa ku adkeysanaaya inay bixinayaan lacag dhan shan kun oo dollar, waxa ayna soo bandhigeen Lambero gaar ah oo lagala soo xiriira Booliska gobolka Nevada.
Masjidka lagu dhajiyay Albaabkiisa Hilibka ayaa waxaa lagu magacaabaa Al-Tawxiid, waxa ayna Saraakiishu sheegayaan in ku dhajinta Hilibkaasi ay cadeyn u noqoneyso inuu soo ifbaxaayo diin naceyb.
Xiliga lagu dhajinaayay Albaabka ayaa waxaa marnaa Masjidka ma jirin cid lagu dhaawacay ama waxyeelo la gaarsiiyey masjidka, sida ay sheegtay FBI-da.