Home wararka Dalka Dhageyso Madaxweynaha Somalia oo Goor Dhow Magacaabay Caasimada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe...

Dhageyso Madaxweynaha Somalia oo Goor Dhow Magacaabay Caasimada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo Halka lagu Qabanayo Shirka Maamulka’

0
SHARE

MADAXWAYNAHA J.F.S

MarkuuArkay    :  Qodobka  87aad, Xarafka ‘C’,  Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

MarkuuArkay    :  SharciLr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada

Degmooyinka iyo Goballadadalka

MarkuuTixgaliyey :Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedo

ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

MarkuuGarwaaqsaday:  in ay laga mamaamaan tahay ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo

xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada

Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka

waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxauu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2015in Magaalada Buulaburde oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto Caasimadda Maamulka KMG ah ee Goballada Hiiraaniyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.

 Qodobka 2aad

Magaalada Jowhar oo ah magaalo madaxda Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa noqoneysa MADASHA marti-galineysa shirka maamul-dhisashada Goballada Hiiraan iyo ShabeelladaDhexe.

 

Qodobka 3aad

Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuri doonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.

 

Qodobka 4aad

Waxauu Xeerkaan dhaqan gelayaa markauu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabicidoonaa FaafintaRasmiga ah Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015

 

Madaxweynaha J.F.S

Halkan ka Dhageyso Codka

riix

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here