Home wararka Dalka Deg Deg Qarax Xoogan oo Caawa Nairobi ka Dhacay Xaalada oo Cakiran’...

Deg Deg Qarax Xoogan oo Caawa Nairobi ka Dhacay Xaalada oo Cakiran’ Faafaahin’

0

Qarax xoogan ayaa waxa uu Caawa ka dhacay magaalada Nairobi, kadib markii Qaraxaasi lagu soo dhex qariyay Gaari Bas ah oo ka dhex shaqeeya Deegaanka Umoja ee magaalladda Nairobi.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 17 ruux oo u badnaa dadkii la socday gaarigaasi, halka tirro kalane ay ku dhinteen Qaraxa.

Dhaawacyada qaar ayaa lasoo sheegayaa inuu saameeyay Firirkii ka dhashay Qaraxa gaariga, waxaana jiro dad badan oo ku gubtay Qaraxaasi oo ahaa mid aad u xoogan.

Gaariga Baska ee uu Qaraxa ka dhex dhacay ayaa xiliga Qaraxaasi kusii jeeday Deegaanka Kayole.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu suuragal yahay inuu ka dhashay ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarax kaasi oo ku dhex qarxay gaariga.

Japeth Koome oo ah Taliyaha Boliska Nairobi oo goobta gaaray ayaa sheegay inaan weli la garanin waxa sababay qaraxaasi, iyadoo uu basku aad u gubtay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxaha baara qaraxyadda u direen goobtaasi, si ay u soo qiimeeyaan xaalladda.

Qaraxaani ayaa kusoo beegmaaya xili gudaha asbuucii tagay ay maleeshiyada Al-shabaab ku hanjabeen inay weeraro ka fulinayaan gudaha dalka Kenya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here