Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo Dagaal Culus ku Dhexmaray Hiiraan

Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo Dagaal Culus ku Dhexmaray Hiiraan

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku aadan agagaarka deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo qaatay saacado xiriir ah, waxaana la’isku adeegsaday hub culus.

Sarkaal u hadlay Macawiisleyda ayaa ka warbixiyay dagaalkan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku beegsadeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay gaarsiiyeen khasaare xoogan.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inay dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen illaa todobo xubnood oo ka tirsanaa xubnaha kooxda Al-Shabaab ee goobta ku sugnaa.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyay.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jabiyay kooxda, waana halka uu ka billowday kacdoonka haatan ka socda inta badan gobollada Soomaaliya.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli muddooyinkii u dambeeyay ay hakad galeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleNin la tuhmayo in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay
Next articleWAR DEG DEG AH: Buuq iyo Qaylo ka Taagan Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya kadib…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here