Home wararka Dalka Talo soo jeedin ku socota Madasha wada- tashiga qaranka Soomaaliyeed,,Dr. Khalif M....

Talo soo jeedin ku socota Madasha wada- tashiga qaranka Soomaaliyeed,,Dr. Khalif M. Duale,,

0
SHARE

Xisbiga hor-u-socodka ee shaqaalaha Soomaaliyeed (Somali Progressive Labor Party)  wuxuu talo ahaan u soo jeedinaya in maadaama Soomaaliya aysan ka dhici Karin ‘one man one vote) in doorashada 2016, lagu saleeyo dastuurkii Soomaliyeed ee 1960, iyo xeerarka kale ee doorashooyinka ee dalku lahaan jiray, kaas oo qeexaya in Baarlamaanka Soomaaliyed uu yeesho 121 xildhibaan ama (Member of Deputies) ee habka axsaabta dimoqoraadiga ah (democratic pluralism).

Sharciyan dastuurkaas waxaa loo qaaday afti guud (refrendum) sannadkii 1961kii, waana midka keliya ee waddanka ka jira oo sharci ku salaysan, waa haddii la rabo in la soo celiyo qaranimadii ummadda Soomaaliyeed, Dastuurkaas, waa midka keliya ee sharciyan ka jira Soomaaliya, ayna aqoon san yihiin dhamman dowladaha caalamku, dasturkaas wuxuu ahaa saldhigii jiritaanka qaranka Soomaaliyeed oo loo aqoonsaday in uu yahay (fair and balance), waana midka dhowraya dhammaan  xuquuqda mujtamica iyo midka siyaasadda ee qofka muwaadinka (social and political rights) ee ummadda Soomaaliyeed.

Dastuurkaas wuxuu ka mid ahaa dastuurada adduunka ee loo aqoonsaday in dhammaan xuquuqda qofka uu u dhammaystirnaa, iyadoo laga duulayay  qaab dhismeedkiisii  ee xagga (Substance and Procedure-kii) uu qeexayay dastuurkaas intii uu ka jiray dalka Somaaliya 1960-1969.

Soomaaliya waxay ka kooban tahay 8 (sideed) gobol, wixii intaas ka baxsan waa ’Null and Void’ waxba kama jiraan sharciyan. Waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in 18ka gobol ee qabyo qoraalka ku qoran ee hadda la hadal hayo, uu yahay wixii uu  dagaalkii sokeeye (civil war)kii Soomaliya ka bilowday ee xaq darrada ahaa,  18ka gobol wuxuu ahaa mid ku salaysan sadbursi iyo u danayn gobolo iyo qabaa,lo khaas ah, wax ka gadmaya ummadda Soomaaliyeed ma aha, fadlan. yaan dalka iyo dadka, dhib danbe loo celin, loona horseedin bur-bur danbe, waayo waxaa la haysta waqti iyo caqli lagu samatabixi karo dalka.

Sideedaas gobol waa in lagu saleeya xulitaanka xildhibaanada Soomaaliyeed inta laga gaaraayo in la tiriyo dadka soomaaliyeed, wax laga badelayo dastuurka (amendments) qodobada sida 18ka gobol, afti guud (referendum) loo qaadaayo qabyo-qoraalka dastuurka, in la ansaxiyo ama la diido habka federaalismka (Federal System), laga xoraynayo dalka argagixisada iyo dhisitaanka dhammaan kaabayaashii iyo haykalkii qaranka Soomaaliyeed.

Xisbiga Hor-u-socodka shaqaalaha Soomaaliyeed (Somali Progressive Labor Party) wuxuu aamminsan yahay in xildhibaanada ka kooban 121 xubin lagu soo xuli karo qaab habka axsaabta ah, oo gobol kasta xisbigii ugu cod bata ay ka soo bixi karaan xilldhibaanadaas, ayadoo la raacayo habka (caucus)ka oo kale, iyadoo dadku ay codka dhiban kara, waa meelaha ay nabaddu ka jirto, meelaha kale, ee aysan dhici karin in doorasho dhacdo in la soo xulo (selection process), iyadoo la eegayo hadba habka ugu sahlan ee lagu soo xuli karo.

Waxaan ugu danbayn u soo jeedinaynaa madaxda sharafta leh in qodobada hor-u-dhaca ee uu iclaamiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, uusan marnaba macquul ahayn, waayo:

  1. In Degmoooyin laga soo doorto xildhibaanada, marka hore, ma la ansixiyay dastuurkii qabyo qoraalka ahaa ee qeexayay 18 gobol, Sharciyan ma oggol yihiin ummadda Soomaaliyeed mise dad yar ayaa iska soo qortay iyadoo qabyo qoraal ah, xisbigu wuxuu u arkaa wax aan ku salaysnayn sharci, waana waxyaabihii dhaliyay kacdoonkii iyo burburkii ka dhacay waddanka 1991.

Qodobkaan ma noqon karo mid macquul ah ee ummadda Soomaaliyeed ay qaadan karto, ama ka gadmi kara.

2. In lagu soo dhiso xildhibaanada heer dowlad goboleed. Su’aashu waxay tahay, marka hore, ummadda soomaaliyeed referendum ma ku oggolaadeen in Soomaaliya federal qaadato, Jawaabtu waa maya,

marka ma dhici karto in xildhibaanada lagu soo xulo heer maamul goboleed oo aan garanayno sida jacburka ah ee ay ku dhismeen ama ku dhismayaan.

  1. In qabiilkii loo noqdo 4.5, xisbigu wuxuu u arkaa hooyadii burburka qaranka Soomaaliyeed.
  2. In loo noqdo qabiilkii, 4.5, laga soo doorto xildhibaanada degmooyinkii, gobolkii iyo asxaabtii, waa arrin mustaxiil ah in qodobkaan oo kale la keeno

Xisbiga Hor-u-socdka Shaqaalaha Soomaaliyeed (Somali Progressive Labor Party), wuxuu ku bararujinaya Madaxda Qaranka, in Soomaliya ay leedahay dastuur ay ansixiyeen ummadda Soomaaliyeed oo ahaa kii 1960kii, Soomaliyana ahayd sideed gobol, inta laga gaarayo marxalad kale ee dib-u- habyn loogu suubin karo, (National political reform system) oo loo wada dhan yahay, waa in lagu dhaqmaa dastuurkii 1960kii.

Wabi-llaahi towfiiq,

Dr. Khalif M. Duale

Guddoomiyaha, Xisbiga Hor-u-socodka Shaqaalaha Soomaaliyeed (Somali Progressive Labour Party (SPLP).

wadatashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here