Home Wararka Maanta Gabar Soomaali ah 16 Jir oo Dishay nin ajnabi ah iyo Sababta...

Gabar Soomaali ah 16 Jir oo Dishay nin ajnabi ah iyo Sababta oo la Shaaciyay

0

Xafiiska dacwad-oogaha magaalada Qaahira ee caasimadda Masar ayaa baaraya gabar Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay dishay nin Masri ah, oo ay sheegtay inuu isku dayey inuu kufsado.

Dhacdadan oo ka dhaday magaalada Lixda October ee Qaahira, ayaa gabadha Soomaalida ah waxay sheegtay inay dishay ninka oo ku waday Mooto Bajaaj, kadib markii uu kusoo qaaday weerar isaga oo doonayey inuu kufsado.

Dambi-baarayaasha ayaa shaaca ka qaaday in gabadha oo ah 16 jir ay booliska isku soo dhiibtay ayada oo timid saldhiiga booliska Giza, islamarkaana ku wargelisay inay dishay bajaajle.

Gabadha Soomaalida, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa sheegtay in ninka uu ula soo baxay mindi, iskuna dayey inuu kufsado, balse ay ku guuleysatay inay mindida kala wareegto kadibna isaga ku disho.

Waxay intaas ku dartay in qorshaheeda uu ahaa kaliya inay ninka dhaawacdo, si ay uga badbaado, balse nasiib-darro uu geeriyooday.

“Waxaan doonayey kaliya inaan sharafteeda dhowro, oo aan is-difaaco, mana damacsaneyn inaan dilo balse wuu dhintay,” ayey tiri gabadha sida uu kasoo xigtay wargeyska Al-Ahram ee Qaahira.

Dhacdadan ayaa si aad u qabsatay warbaahinta dalka Masar, ayada oo laga bixiyey fasiraado kale duwan falka geesinimada ah ee ay sameysay gabadha Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleTurkish Airline oo Bilowday Dulimaadkii ugu Horeeyey ee Muqdisho oo Toos ah ku imaanaysa
Next articleDanjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb: Cusman Abuukar Baalle oo Dhaliil Culus u Jeediyay Qaramada Midoobay kadib marki……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here