Home Wararka caalamka Ehelada Dadkii ku Dhintay ama Ku Dhaawacmay Xajka oo la Siiyay Numbaro...

Ehelada Dadkii ku Dhintay ama Ku Dhaawacmay Xajka oo la Siiyay Numbaro ay ka Heli Karaan Macluumaadka (937) iyo,,

2

Waxaa la sheegayaa in dhimashada Xujeyda ay sii korodhey illaa iyo haddana Dowladda Sacuudiga Tirakoob rasmi ah oo Xujeyda Jinsiyadaha Dhintey ma soo saarin inkastoo ay ku jiraan kala Shaandheyn waqti dhowna ay soo saarayaan liiska Jinsiyadaha Dhintey … laakiin waxaa jira Lambar aad wici kareysid oo aad weydiin kareysid Qofka(Xaajiga/Xaajiyada) kaa maqan muddo ka dibna iyagaa ku soo wacayaa Xaalidii Qofkii aad baadi goobeysey kuu sheegaya, warar lage helay ilo muhiim ah waxay sheegayaan in Qayb Jinsiyadaha halkaa ku dhintey ay kala yihiin:-

1. Iiraan 131 Xujey 

2. Magrib 87 Xujey

3. Hindiya 14 Xujey

4. Somalia 11 Xujey & 14Xujey oo la la, yahay

5. Pakistan 07 Xujey

6. Al-Jeeriya 03 Xujey

7. Indonesia 03 Xujey 

8. Holland 01 Xaaji, oo loo malaynayo inuu Asal ahaan Soomaali yahay

9. Turkiya 02 Xujey & 18 Xujey oo la la, yahay

Waxaana intaa dheer Xujey Afrikaan ah oo tiro badan iney halkaa ku dhinteen, Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya (Wasaaradda Caafimaadka) waxay diyaar u tahay Ehelada Xujeyda dhimatey ama dhaawacantey iney kala xiriiri karaan lambarkan Dibadda & Gudaha Sacuudiga: 937, waxaadna sheegeysaa cidda aad rabtid inaad heshid macluumaadkeeda Magacii iyo waxaad ka tageysaa lambarkaaga muddo ka dibna iyagaa ku soo wacaya iyagoo kuugula hadli kara 6 luqadood.

xuj4

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here