Home puntland Doorashada 2016 Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa waa in ay soo doortaan...

Doorashada 2016 Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa waa in ay soo doortaan Ergo laga keeno 18 Gobol ee Soomaaliya ,By Dahir Mohammed Sheikh,,

0
Markii aan tixgeliyay xaalada guud ee Soomaaliya iyo markii aan qiimeyn ku sameeyay Doorashada 2016 la doonayo in Soomaaliya laga hirgeliyo,   waxaan go, aan sadey in aan soo bandhigo fikrad cusub oo ay Doorasho ku dhici karto taas oo ah sida soo socota;
 
1- Doorashada 2016 Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa waa in ay soo doortaan Ergo la keenay 18 Gobol ee Soomaaliya , iyadoo Gobol kaste 300 Ergo laga keenayo , taaso tiradda guud ay noqoneyso 5400 oo ergo, kadib na ay doortaan Madaxweynaha, laakiin ogow awoodda Fullinta waxa iska leh madaxweynaha ee wax la yirahdo ra’iisal Wasaare ma jiro.
2- Musharax kaste ee u taagan Madaxweynaha Soomaaliya waa in uu keensada qofkii u noqon laha madaxweyne ku xigeen si ay Doorashadu u noqoto mid fudud oo la ogyahay.
3- Qaabka ay doorashadu u dhaceyso waxay noqoneyso sida soo socota:
    A- Goobta ay Codbixinta ka dhaceeyso waa Muqdishu oo loo qeybiyay 3 Goobod ayay codbixinta ka dhaceyso
    B- Goob kaste oo Codbixinta ka dhaceyso waxa ka codeeynaysa 1800 Ergo, taaso 3 goobod tiradda guud ay  noqoneyso 5400 ergo oo codeeyneysa.
    C- Meesha ay Codbixinta ka dhaceyso waxaa Goob joog ka noqonaaya Guddi Heer Caalami ah iyo Guddi ay  leeyihiin Soomaalida, isla markaana 3 goobod hal mar ayay codbixinta ka bilaabaaneysa, ka dib marka ay dhamaato sanaadiiqda codbixinta hal mar ayaa la tirinaaya, waxaana ku guuleysanaya Madaxweyneha Qofka ugu cod badnaada cododka la tiriyaay.
 
Haddii aan u soo noqdo ee Doorashada Xildhibaanda Baarlamaanka cusub waxaa soo xulaaya Beelaha Soomaaliyeed oo u hoggaaminaayo Odey dhaqameed yadda maadama aysan Dalka ka jirin Xisbiyo siyaasadeed taas waxan u arkey xal , laakiin mid ogow baarlamaanka wax shaqo ah kuma laha Doorashda Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeen kiisa maxaa yeeley waxaa soo dooranaayo waa 5400 ergo oo laga keenay 18 gobol ee Soomaaliya ka kooban tahay.
 
Fiiro gaar ah:  Qoromada Waxaa leh Qoraaaga Hoose ee Somaliyed,
 
Mahad sanidiin,
 
Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Nairobi Kenya
10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here