Home Wararka Maanta Shir Amniga Looga Hadlayay oo Lagu Qabtay Caabudwaaq Xili Dilal Badan Ka...

Shir Amniga Looga Hadlayay oo Lagu Qabtay Caabudwaaq Xili Dilal Badan Ka Dhaceen Magaaladaas(Sawiro)

0

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid ayaa Shir gudoomiyay Shirka Amniga Dagmada Cabudwaaq.

Shirkaan oo ay ka so qaybgaleen maamulka Dagmada, Laamaha Amniga Dagmada, Garsoorka Dagmada iyo Gudiga Wacyigalinta, Horumarinta iyo Dib u Heshiisinta Cabudwaaq ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Amniga Dagmada Cabudwaaq oo hada so hagaagay sare logu sii qaadi lahaa islamarkana uu u noqon lahaa mid la isku halayn karo.

Shirkaan oo ay hadalo ka soo jeediyeen dhinacyadii fadhiyay ayaa ugu danbeyn waxaa lagu heshiiyay in maamulka Dagmada, Laamaha Amniga Dagmada, Garsoorka Dagmada iyo Gudiga Wacyigalinta, Hormarinta iyo Dib u Heshiisinta Cabudwaaq in ay iska kaashada Xasilinta Magaalada iyo Hormarinteeda ayago kaashanaya Xildhibanada Deeganka iyo Wasaaradaha ay quseeyso.

Ad
Previous articleMadaxweyne Galmudug oo shaaciyay Ujeedka uu ugu tagay Sheekh Aadan Madoobe
Next articleShirka Golaha Shacabka oo Furmay iyo Aadan Madoobe oo Ka Hadlay Xildhibaandii Gobolka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here