Home Wararka Maanta Waa sidee maanta xaalada Barawe oo Dagaalo Qaraar Martigalisay?

Waa sidee maanta xaalada Barawe oo Dagaalo Qaraar Martigalisay?

0

Maalintii isniintii ee todobaadkan waxaa ka dhacay dagaal saacado socdey oo u dhaxeeyey ciidamo ka tirsan Militeriga Dowlada Soomaaliya iyo ciidamo kale oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed. Waxaa ka dhashey qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Koonfur galbeed oo ka hadashey dagaalkii Baraawe waxay sheegtay in weerar lagu soo qaadey xarunta madaxtooyada Baraawe ciidankeeda iska caabiyeen.

Dhanka kale Xildhibaano ka socdey Barlamaanka Aqalka sare iyo Aqalka hoose ah oo muqdisho ku Shirey shalay waxay canbaareeyeen dagaalka dhacay caasimada koonfur galbeed ee Baraawe, waxay ku baaqeen in dagaal kale laga abaabulin gudaha magaalada.

Inkastoo maalintii labaad xaalada ay degan tahay, hadana gudaha magaalada dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo dadweynaha wali si fiican uma soo noqon oo dadka waxay ka wal walayaan in dagaal kale uu dhici karo.

Wali madax Dowlada Soomaaliya ka socota ama koonfur galbeed oo magaalada gaarey ma jiro tan iyo markii dagaalka uu dhacay, wararka qaar waxay sheegayaan in maanta saraakiil ciidan tagi doonaan magaalada Baraawe.

Ad
Previous articleGacan ku Dhiiglihii Dikay Maxamad Axmad Bisle oo Gacanta Lagusoo Dhigay
Next articleGalmudug oo u Jihaysatay Doorosho Qof iyo Cod ah iyo Shirkii ugu Horeeyey oo looga Hadlaayo oo Ka Furmay Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here