Home Wararka Maanta Guddoomiyihii degmada Qoryooley oo goordhaw la dilay

Guddoomiyihii degmada Qoryooley oo goordhaw la dilay

0

Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ,ayaa sheegaya in goordhaw qarax miino oo ka dhacay duleedka degmadaasi lagu dilay Sayid Cali Ibraahim oo ahaa guddoomiyihii Qoryooley.

Sida aan wararka ku helnay guddoomiyaha iyo qar kamid ah ilaaladiisa ayaa qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lagula eegtay duleedka degmada Qoryooley, waxaana qaraxa sidoo kale ku dhintay qaar kamid ah ilaaladiisa.

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen dadka qaraxa ku dhaawacmay iyo sidoo kale meydka guddoomiyaha iyo dadkii la geeriyooday.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin qaraxan lagu dilay guddoomiyihii degmada Qoryooley, waxaana qaraxan iyo saameyntiisa si weyn looga dareemay Qoryooley.

Ad
Previous articleLacagihii ay qaadan jireen Lataliyaasha Gobolka Banaadir iyo Xoogaga Waddaniyiinta oo gudoomiye Madaale joojiyay
Next articleXukun Lagu Riday Dhalinyaradii Ka Danbeesay Rabshadihii ka Dhacay Magaalada Norrköping ee Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here