Home Wararka maanta DHAGEYSO:-Cabdi Xaaji Goobdoon”Kadare waxaa uu ahaa Halgamaa Soomaaliyeed

DHAGEYSO:-Cabdi Xaaji Goobdoon”Kadare waxaa uu ahaa Halgamaa Soomaaliyeed

0

Alle Ha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xuseen Sheikh Axmed kadare oo kamid ahaa Gudigii Qoray farta Somaaliga isagoo mudooyinkii dambe xanuusanaa.

Kahor intuusan dhiman Marxuum Kadare ayaa la sheegay in Xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Imaarataka Carabta  balse dhawaam lagusoo celiyay magaalada Muqdisho oo ku ku geeriyooday.

Marka laga tago inuu kujiray ragii qoray Farta Somaaliga waxaa kaloo uu kamid ahaa Akadeemiyadii fanka ,isagoona sidookala qeyb ka ahaa xunbihii qoray Buugii Taariiqda Sayidka .

Hadaba ….Cabdi Xaaji Goobdoon oo wax badan ka yaqaanay Marxuum Kadare ayaa warbaahinta Mudug24.net  u sheegay inuu ahaa Halgamaa Somaalida ku weyn islamarkaana ka qeybqaatay halkagankii Xornimo doonka.

Sidookale Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa  shaqsiyada Xuseen Sheikh Axmed kadarae ku tilmaamay inuu ahaa qof aad u wanaagsna ,isagoona intaa ku daray inuu door wanaagsan kulahaa xulashada eray bxinta loo qaadanayo Warbaahinta Qaranka markii ay soo hana qaadeysay Intii uu noolaa ayuu ka sheekeyay marxaladaha loosoo maray qorista Farta Somaaliga oo isaga uu door muhim ah ku lahaa.

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here