Home Wararka caalamka Akhriso Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Shir.jaraaid ku Sheegay in uu Dhaxlay siyaasad...

Akhriso Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Shir.jaraaid ku Sheegay in uu Dhaxlay siyaasad wareersan….

3

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka hadlay in siyaasad cakiran ay dalka ka jirto.

 

 

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa xaqiijiyay inuu dhexlay oo uu la kulmay siyaasad wareersan oo dalka ka jirta, isla-markaana uu ku dadaali doono sidii uu u soo dhisi lahaa Xukuumad ku timaada wada tashi ballaaran, oo uu la sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

 

 

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan waxyaabo aysan fahamsanayn shacbiga Somaliyeed oo dalka ka jira, isla-markaana ay ogyihiin Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo isagoo Ra’iisal Wasaarihii Somaliya ah.

 

 

Ma sheegin waxa aynaan shacabka Somaliyeed ogayn, balse ay Madaxda Dowladdu uun ogtahay, ha yeeshee wuxuu carab dhabay inay iska soo dhammaan doonto, sida uu yiri.

 

 

Cumar C/rashiid waxa uu balanqaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad ballaaran, oo kasban karta codka Mudanayaasha Baarlamaanka, isla-markaana uu si wanaagsan ugala soo tashan doono Xildhibaanada, sida uu yiri.

 

 

Dhanka kale waxa uu Xildhibaanada uu kaga mahadceliyay inay aqbalaan codsigiisii ku aadanaa mudada 10-ka maalmood ah, si uu ugu soo kaamil yeelo Golahiisa Wasiirada cusub.

 

 

“Runtii go’aankii codsiga waqti kordhintu wuxuu ahaa mid ka tarjumayay tixgelinta talooyinkii Xildhibaanada oo ahaa in la soo dhameystiro Xukuumadda. Muddadaa kooban waxaan ka shaqeyndoonaa ballaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed.” Ayuu yiri Cumar C/rashiid.

 

 

Waxa kaloo uu yiri “Waxaa xusid mudan inay dalka ka luntay ku dhawaad afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib u dhac ku yimid. Waxaa hoos u dhac ku yimid hawlihii adeegga qaranka, sida gurmadkii abaaraha, dhisiddii maamullada gobollada, dib u heshiisintii, xasilintii dalka, meel-marintii shuruucda iyo guddiyada madax-bannaan kuwaasoo fududeyn lahaa ka mira-dhalinta Hiigsiga 2016.”

 

 

Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo maanta hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu kala kulmay buuq iyo sawaxan, markii uu weydiistay inay siiyaan 10 maalmood oo dambe.

10 ku laabo mudug24 xiriir

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here