Home Wararka caalamka Daawo Sawirada Qaabka Madaxweyne Erdogan uu Xariga uga Jaray Terminalka cusub ee...

Daawo Sawirada Qaabka Madaxweyne Erdogan uu Xariga uga Jaray Terminalka cusub ee Garoonka Aadan Cadde,,,,

7

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu goor dhow uu xariga ka jaray Terminalka cusub ee Garoonka Aadan Cadde, kaasoo ay suurta gelisay Dowladda Turkiga.

 

 

 

Ka hor intii aanu xariga ka jarin, ayaa waxaa shir jaraa’id wada qabtay Madaxweyna-yaasha Somaliya iyo Turkiga, waxayna labaduba soo dhaweeyeen Terminalka cusub, ee laga hirgeliyay Garoonka Aadan Cadde.

 

 

 

Madaxweynaha Turkiga oo hadalka ku horeeyay, ayaa yiri “Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada Somaliya, sida qurux badan leh, ee ay ugu soo dhaweeyeen Garoonkaan. Waxaan marka labaad u mahadcelinayaa shirkadda dhistay muuqaalkaan quruxda badan.”

 

 

 

“Muuqaalkaan wuxuu wax weyn ka bedelayaa bilicda Garoonka Magaalada Muqdisho, aad iyo aad ayaana ugu faraxsanahay. Dhismahaan iyo kuwo kale oo ka qurux badan, waxaan diyaar idinkula nahay inaan idinku dhisno si walaaltinimo ah.” Ayuu yiri Hogaamiyaha Turkiga.

 

 

 

“Anigoo ku hadlaaya afka dadka Turkiga waxaan idin balanqaadeenaa inaan idin garab joogno, waxaana sii wadi doonaan taageerada aan idin siineyno. Dadka Turkiga anigaa u hogaamiye ah waana idin garab joognaa.” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadlaayay, ayaa wuxuu mahadcelin uu u jeediyay Madaxda iyo shacabka reer Turki, waxayna inoo muujiyeen buu yiri walaaltinimo dhab ah.

Recep7 Recep11 Recep21 Recep31 Recep42

10 ku laabo mudug24 xiriir

7 COMMENTS

  1. #Erdogan’s name now ranks among the most popular choices for a newborn in Somalia .From 1991 to 2011, the UN and its affiliated international institutions – mostly based in neighboring Kenya – collected an estimated $55bn on behalf of Somalia.Dubiously, the nation in whose name this hefty sum was collected, has not gained any substantive infrastructure-related or any other sustainable project.” While #Erdogan’s team had clear instructions: produce tangible, sustainable results with Turkish funds totaling some $500m. A massive bilateral nation-building effort followed; roads, hospitals, mosques, and schools were built, the airport was expanded, and many business partnerships were forged. Within an incredibly short period of time, #Erdogan’s plan resuscitated Somalia from near death. Nothing illustrates that fact more than the profound impact that the Turkish aid model has had on the average Internally Displaced Person (IDP) in Somalia.Besides the setting up feeding centres that provide appetizing foods, decent housing, and health clinics, the Turkish aid model has boosted the average IDP’s standard of living with economic empowerment.It is against this backdrop that #Erdogan comes to #Mogadishu, to cut the ribbon on a multimillion dollar, state-of-the-art hospital named after him. He is then scheduled to have a private meeting with his Somali counterpart.#Erdogan has prudently supported Somalia and remained impartial in the extremely fluid and clan-driven internal politics.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here