Home Wararka caalamka Magaalada Muqdisho oo lagu Xiray Sarkaal Sare oo Booliska ka tirsan…

Magaalada Muqdisho oo lagu Xiray Sarkaal Sare oo Booliska ka tirsan…

0

Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir ka hawlgala.

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Qaybta Waliyow Cadde, Korneyl Maxamed Ismaaciil, ayaa waxaa xalay lagu xiray Magaalada Muqdisho, ka dib markii lagu eedeeyay in uu dibciyay ammaanka Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.

 

 

 

Taliyaha waxaa loo heystaa in isaga uu ku magacawnaa aagga uu ka dhacay weerarkii ismiidaaminta, ee maalintii shalay lala beegsaday Dhismaha Hotelka S.Y.L, oo ku dhow Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

 

 

Waxaa kaloo soo baxaaya warar kale oo sheegaaya in Saraakiil kale oo ka tirsan laamaha ammaanka loo xir xiray weerarkaasi, sababo ku aadan iyagoo aan xil badan iska saarin in la xiro wadada horumarta Hotelkaasi.

 

 

 

Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii ka hadlay weerarka ka dhanka ah S.Y.L Hotel, ayaa ku goodiyay in cidii ka masuulka ahayd weerarkaasi, ay masuuliyadeedu qaadan doonto.

 

 

 

Khuburo Soomaali iyo Ajaaniib isugu jirto, ayaa iska kaashaneysa baaritaanada la xiriira weerarka lagu ekeeyay Hotelka S.Y.L, oo meel ku dhow Isgoyska Ceel-gaabta.

 

 

 

Saakay, ayaa waxaa dacartir lagu sameeyay burburkii S.Y.L Hotel ka soo gaaray weerarkii ismiidaaminta, ee ay masuuliyadiisu sheegteen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here