Home Wararka caalamka Ciidamada Maamulka Puntland oo Dad Kulaayay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Mudug…

Ciidamada Maamulka Puntland oo Dad Kulaayay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Mudug…

0

Ciidamada Booliska Waqooyiga Gobolka Mudug Ee Puntland Ayaa Sida La Sheegay hawlgal amaanka lagu Xaqiijinayo Waxay Ka sameeyeen gudaha Deegaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug.

 

 

 

Hawlgalka ay ciidamadu Ay sameeyeen ayaa ahaa qaadista isbaaro ama jidgooyo taallay wadada laamiga ah ee dhexmarta Deegaanka Cagaaran ee gobolka Mudug.

 

 

 

Ciidamada Booliska Gobolka Mudug Ee Puntland hawlgalka ay ka sameeyeen deegaankaasi ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal ruux, waxana dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale, waxaana dadka dhaawaca ah iyo qofka dhintayba la sheegay in ay yihiin dadkii ay u taallay jidgooyada.

 

 

 

Hawlgalkani ayay ciidamadu ku bartilmaameedsanayeen sidii ay u qaadi lahaayeen jidgooyo la dhigay bartanka laamiga taasi oo saacadihii lasoo dhaafay gaadiidka looga qaadayay lacago sharci darro ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here