Home Wararka caalamka Dhageyso=Odayaal Kale oo Kasoo Dhaqaaqay Waqooyiga Mudug oo Gaaray Cadaado Kana...

Dhageyso=Odayaal Kale oo Kasoo Dhaqaaqay Waqooyiga Mudug oo Gaaray Cadaado Kana Hadlay Arimo Dhoor ah….

0

Iyadoo Maxkamad ku taala Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland ay Xukuno kala duwan ku riday 14 Ruux oo ka soo jeeda Puntland islamarkaana la sheegay in ay ka qeyb galayaan Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa maanta Degmada Cadaado gaaray qaar kamid ah Odayaashaasi.

 

 

 

Odayaasha Soo gaaray Cadaado ayaa waxaa soo dhaweeyay Dhaqanka Degmada cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb,iyagoona sheegay in ay ku soo dhaweynayaan Dhul Soomaaliyeed sida ay sheegeen.

 

 

 

Sidoo kale Qaar kamid ah Odayaashaasi ay Xukunta Maxkamada Magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegay in ay ku Faraxsan yihiin in ay soo gaaran Degmada Cadaado,waxaana ay Tilmaameen in ay u yimaaden wax ka dhisida Maamulka Gobolada dhexe.

 

 

 

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here