Home Wararka caalamka Deg Deg Baarlamaanka Somalia oo Buuq Xoogan ka Taagan iyo Xildhibaano soo...

Deg Deg Baarlamaanka Somalia oo Buuq Xoogan ka Taagan iyo Xildhibaano soo Xaadiray…

0

Buuq iyo sawaxan xoogan, ayaa wuxuu xilligaan ka taagan yahay Xarunta Baarlamaanka Somaliya ee Magaalada Muqdisho (Xarunta Golaha Shacabka), markii uu Guddoonku soo jeediyay in cod loo qaado waqtiga uu Ra’iisal Wasaaraha horkeeni doono Baarlamaanka, Golahiisa Wasiirada.

 

 

 

Xilli Baarlamaanka uu maanta ka doodaayay Sharciga Ilaalinta ee Hanti Dhowrka Qaranka, ayaa waxaa goobtaasi laga akhriyay codsi uu markale soo jeediyay Ra’iisal Wasaraha, oo la xiriira in cod u qaadista Golaha Wasiirada laga dhigo maalinta Isniinta ah, oo laga bedelo Sabtida.

 

 

 

Buuqa iyo sawaxanka, ayaa wuxuu ka dhashay Xildhibaanada qaar oo ku doodeysa in go’aankoodu uu yahay in Sabtida codka loo qaado, halka kuwa kalana ay ku doodayaan in Isniinta laga dhigo, maadaama uu sidaa soo codsaday Ra’iisal Wasaaraha.

 

 

 

Suxufiyiinta ku sugan Xarunta Golaha Shacabka, ayaa waxay soo sheegaaya in uu sii xoogeysaaayo murunka u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

 

 

 

Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaaya in inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ay diidan yihiin in Isniinta laga dhigo xilliga cod u qaadista Golaha Wasiirada, marka laga soo taggo tiro yar oo Xildhibaanada ka tirsan oo buuqa ka sameyneysa Golaha Shacabka, kuna dalbaneysa in Isniinta laga dhigo maalinta codka loo qaadaayo Wasiirada.

 

 

 

Tani waxay dadka Somaliyeed soo xusuusineysaa, xilligii adkaa ee Baarlamaanka uu soo maray bishii November, ka gadaal markii ay ku kala qaybsamayn in codka kalsoonida uu Baarlamaanku u qaado Ra’iisal Wasaarihii hore Somaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

 

 

 

La-soco wixii ku soo kordha.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here