Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyay ee ku soo kordhay qaraxyadii ka dhacay Baladweyne iyo...

Wararkii ugu danbeeyay ee ku soo kordhay qaraxyadii ka dhacay Baladweyne iyo khasaaraha ka dhashay

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan qaraxyo isxigay oo caawa ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kuwaasoo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa hore oo la sheegay inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Hirshabelle oo ku taalla xerada Lama-galaay, waxaana ku naf weysay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi iyo qaar ka mid ah ilaaladeeda.

Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhintay Xildhibaan hore Xasan dhuxul, halka Wasirkii hore ee Waxbarashada DF Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan  ay soo gaareen dhaawacyo fudud sida wararku nagu soo gaarayaan.

Dhaawacyo iyo meydadka dad kale oo waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadan balse aanan tirakoob sax ah ka helin ayaa caawa la gaarsiiyey goobaha caafimaadka ee magaalaada Balad-weyne.

Xaalad kacsanaan ah oo ka duwan sidii hore ayaa caawa ka jirtay Magaalada Baladweyne, waxaana mar kaliya ay magaaladu noqotay mugdi ka dib markii ay dantay korontadii magaalada, iyadoo la xiray goobaha ganacsiga xili hore, waxaana masuuliyada weerarkan sheegtay Al-Shabaab.

Maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Hiiraan ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin qaraxyada ka dhacay magaalada Beladweyne oo shacabka magaaladaas soo xusuusiyey kii ka dhacay magaaladaas dhowr iyo toban sano ka hor kaasoo lagu dilay Wasiirkii amniga ee xiligaas, Cumar Xaashi Aadan iyo dad iskugu jiray masuuliyiin kale iyo waxgarad.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble oo Si adag uga Hadlay Dilka Xildhibaano Cawa lagu laayay Baladweyne Amar Degdeg ahna Bixiyay
Next articleDaawo Sawirada: Goobtii ay ka Dhaceen Qaraxyadii Baladweyne Ruxay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here