Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Gaari Dameer Qaraxyo lagu soo raray(Sawiro)

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Gaari Dameer Qaraxyo lagu soo raray(Sawiro)

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka dowladda fashiliyeen gaari dameer lagu soo rarary waxyaabaha qarxa, kaa oo la doonayay in weerar qorsheesan lagu geesto.

Gaari dameerkan qaraxyada lagu soo raray ayaa xalay lagu qabtay duleedka magaalada Baledweyne, waxaana gaarigan la sheegay in ay la socdeen rag hubeesan oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Baledweyn ayaa sheegay in ay heleen xogta qaraxan lagu soo raray gaari dameerka, waxa ayna sheegeen in ciidamada fashiliyeen qaraxaasi kahor inta aan la gaarsiin bartilmaameedkii loo waday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaarigan qorshuhu ahaa in lagu weeraro saldhig ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaanka Baardheere oo magaalada Baladweyne Koofur ka xigo qiyaastii 20KM.

Ciidamada dowladda ayaa wararku sheegayaan in ay ku guul dareesteen in ay gacanta ku dhigaan ragii waday gaari dameerka qaraxyada lagu soo xiray, waxaana la sheegay in ragan oo hubeesnaa ay la dagaalameen ciidanka dowladda horeyna u baxsadeen.

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo wali Ka Dhex Dagaalamaaya Gudaha Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo(Sawiro)
Next articleDiyaarado Duqayn Culus ka Gaystay Deegaanka Masjidka Cali gaduud iyo Ciidamada Dowlada oo Dib uga soo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here