Home Wararka caalamka Dhalinta Jabuuti oo Noqotay Dhalinyarada ugu Badan ee Tahriibta Sanadkan Dabayaaqadiisa…Warbixin Dheer…

Dhalinta Jabuuti oo Noqotay Dhalinyarada ugu Badan ee Tahriibta Sanadkan Dabayaaqadiisa…Warbixin Dheer…

8

inkastoo Dhalinyarada Somaliyed Ay yihiin Dadka uug Badan ee Tahriiba Hadana Waxaa Xililigan kula Soo Biiray Dhalinyarada Dalka Jabuuti oo Dalkooda yahay Dal Heesta Nabad Hase yeeshee Waxaa jiro Arimo Badan oo Sabab u Noqday in ay soo Tahriibaan Taasi oo aan kaga Hadlidoono Warbixintan…

Jabuuti Waa Dal kamid ah Dalalka Africa Waana Dal Xuriyaadiisa Qaatay 1977 isagoo ka Qaatay Dalka Faransiiska Waxana soo Maray Labo Madaxweyne iyadoo Madaxweynaha Xiligan Xilka Hayo uu Heesto 15 Sano…

Dhalinyarada Jabuuti ayaanan Meel uga Bixin Dalkaasi Sanadihii ugu Danbeeyay Waxana ugu Danbeyn Suura Gashay in ay isaga soo Baxaan Dalka kadib Markii Qaarkood oo u Waramay Mudug24 u sheegay Shaqo La.an iyo Xilalkii Dowlada oo ku ekaaday Madaxweynaha Dalka iyo Ehelkiisa…

Halkan Waa Dalka Turkiga Waxaa Ku Sugan Dhalinyaro Badan oo Somali ah Waxaa ugu Badan Dhalinta Jabuuti oo kasoo Dhaqaaqay Dalkaasi Gaar.ahaan Xaafad Weynta Balbala oo ah Halka ay Galaan Dhalinta ugu Badan ee Dalkaasi…

Dhalintan Ayaa ii Suura Gashay in aan kala Sheekeesto Sababta keentay in ay isaga soo Baxaan Dalkooda Waxana Qaarkood ii sheegeen in aysan Helin Xuquuqda ay ku Lahaayeen Dalkooda Sida Waxbarasho iyo Shaqooyinka….

imaan Shiyaha Dalkan Ayaa ah Mid u sahlan iyagoo Visaha Dalkan ku soo Qaata Lacag Gaareysa 50 Dollar oo kaliya Waxana Arintasi ay keentay Soo Galitaanka iyo Tahriibka Dhalinyaro Badan oo kasoo Jeeda Dalka Jabuuti….

Sanadkan Dhamaadkiisa Ayaa Noqonaya Sanadka ugu Badan ee la Arko Dhalinyaro Reer Jabuuti ee Tahriibeysa Waxana Maalin kasta Dalka Turkiga soo Gaara dhalinyaro Badan oo ka yimid Dalkaasi..

Cabdow Waa mid kamid ah Dhalinta Reer Jabuuti Waxa uu soo Galay Dalkan 9 Maalin kahor Waxa uu ii sheegay Sababta keentay in uu kasoo Dhaqaaqo Dal Nabad ah isla markana uu ku Heesto Wax walbo Waxana uu iigu Jaawabay Sida…

‘Aniga Waxaan kasoo Baxay Jabuuti Xaafada Balbala Waxaa ii keenay in aan Halkaasi kasoo Boxo Shaqo la.an Waxaan Dhameeyay Jaamacad Mana Heesto Xafiis ama Goob Shaqo Waayo Madaxweynaha Xiligan ee Dalka Heesta Wax walbo iyo Wasaarad Walbo Waxa uu ku koobay Ehelkiisa Waana Dhibka ugu Wacan ee Dhalinta u soo Baxaan’

Si kastaba Dhalinyarada Jabuuti Ayaa Noqoneysa Dhalinta ugu Badan ee Tahriibta Sanadkan si ay u Helaan Nolol Dhaanta Mid Jabuuti ee Shaqo La.anta inkastoo ay Heestaan Nabad….

Mudug24.  Ankara 

W/Q Wariye idleh mohamed aden

Exclusive Report

10 ku laabo mudug24 xiriir

8 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here