Home Wararka caalamka Degaanka Wabxo Ee Gobolka Galgaduud oo Ciidamada itoobiya ay ka Baxeen….

Degaanka Wabxo Ee Gobolka Galgaduud oo Ciidamada itoobiya ay ka Baxeen….

1

Ciidamada Itoobiya ee Qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa la soo sheegayaa in ay iskaga baxeen Deegaanka Wabxo  Ee Gobolka Galgaduud iyo Deegaano hoos yimaada.

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay Warbaahinta  ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM ee Dowladda Itoobiya ka socda ay Deegaanadaasi baneeyeen,waxaana uu Xusay in u Jeedka uu yahay Qorshe Ciidan.

 

 

 

 

 

 

Nuur Xasan Guutaale ayaa sidoo kale beeniyay in Dagaalamayaasha Al-shabaab ay dib ula Wareegeen Deegaanadaasi ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay kamid tahay Degaanka Wabxo.

 

 

 

 

 

 

Al-shabaab ayaa horay u sheegay in Ciidamada Itoobiya ay Degaanka wabxo baneeyeen islamarkaana ay dib ula wareegeen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here