Home Wararka Caalamka Maxamed cali Maxamed oo lasoo Taagay Maxkmada Caalamiga ah ee ICC

Maxamed cali Maxamed oo lasoo Taagay Maxkmada Caalamiga ah ee ICC

0

Madaxii hore ee maleeshiyad ka dagaallami jirtay dalka Sudan ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee loo soo taago maxkamada caalamiga ah ee dambiyada ee ICC kadib tacaddiyo la sheegay in uu ka geystay gobolka Darfur ee Suudaan ku dhawaad ​​labaatan sano ka hor.

Cali Maxamed Cali Cabdiraxmaan “Cali Khusheyb’ ayaa lagu soo oogay inuu galay dambiyo dagaal iyo gabood fallo ka dhan xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin, kufsi, jirdil iyo dil.

Shacabka Darfur oo ku dhawaad 20 sano ku jiray xeryaha barakacayaasha kadib markii ay ka qaxeen colaadda ayaa ugu dambeyntii soo dhaweeyay maxkamadeyntiisa.

Dacwad oogaha guud ee Maxkamadda ayaa sheegay in Cali uu hoggaaminayay ciidamadiisii maleeshiyaadka Janjawed kuwaasoo weerar ka fuliyay guud ahaan gobolka, wuxuu beeniyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Sweden oo ka doodaya joojinta tamarta laga keeno Ruushka
Next articleMaraykanka oo Fariin Kulul u Diray Jubaland iyo Hirshabeele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here