Home Wararka Maanta 300 Oo Askari oo Maantay Muqdisho Tababar loogu soo Xiray

300 Oo Askari oo Maantay Muqdisho Tababar loogu soo Xiray

0

Waxaa maanta munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho lagu dhaariyay 300 askari oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ciidankan oo shalay tababar heer sare ah loogu soo xiray dugsiga tababarrada booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa maanta la dhaariyay, si ay u guda galaan waajibaadka shaqo ee horyaalla.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa ka qeyb-galay munaasabaddan maanta lagu dhaariyay askartaan.

Sidoo kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen Axmed iyo saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Booliska ayaa Taliyaha kala qeyb-galay munaasabadaan.

Ciidankan cusub ayaa waxay ka qeyb qaadanayaan sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed, xilli uu dalka ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Maalmo kahor ayay aheyd markii dugsiga tababarrada ciidamada Gorgor ee TurkiSom loogu soo gaba-gabeeyay tababar urur cusub oo kamid noqonaya ciidanka Gorgor.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in istiraatiijiyadda dowladda ay tahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda, xilli guulo badan laga gaaray dagaalka, wallow uu gaabis ku yimid bilihii lasoo dhaafay.

Ad
Previous articleItoobiya “Dowladda Soomaaliya way dafirtay wanaagii aan u samaynay Soomaaliya, halka shacabka Soomaaliya ay u mahad-celinayaan ciidamada Ethiopia,”
Next articleMarwo Faadumo Cabdi Cali oo Dhawaan Xilka Laga Qaaday oo Qoraal soo saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here