Home English News Dagaalka dhuusomareeb oo dib uga qarxay duleedka magaalada..dhageyso xaalada ugu danbeysay…

Dagaalka dhuusomareeb oo dib uga qarxay duleedka magaalada..dhageyso xaalada ugu danbeysay…

1

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusomareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Dagaal uu dib uga qarxay Duleedka Magaalada Gaar ahaan Deegaan lagu Magacaabo Ceelqayoof oo 4-KM u jira Degmada Dhuusomareeb.

 

 

 

 

Wararka ayaa tilmaamaya in Dagaalka uu yimid ka gadaal markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Weerar ku qaadeen Garab kamid ah Ahlusunna oo isku Aruursanayay Deeganka Ceelqayoof ,waxaana wali soconaya Dagaalka.

 

 

 

 

Wariyaha Radio Kulmiye Nafiso Xirsi Maxamuud ayaa soo sheegeeysa in Dagaalka uu Xoog u soconayo,iyadoona Dhawaqa Rasaasta laga Maqlayo Magaalada Dhuusomareeb.

 

 

 

 

Sidoo kale Waxaa jira Barakac ka biloowday Magaalada Dhuusomareeb,iyadoona uu istaagay Ganacsigii Magaalada.

 

 

 

 

Dagaalkaan ayaa daba jooga Dagaalo Shalay ilaa maanta siyaabo kala duwan  uga dhacay Degmooyinka Gurceel iyo Dhuusomareeb,kaas oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Garab kamid ah Ahlusunada Gobolada dhexe.

 

 

 

Hoos ka Dhageyso Xaalada Dagaalka

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here