Home ciyaaraha maanta Warbixin=xaruunta shirkada hormuud ee gaalkacyo oo dhamaad ku dhow xili golis ay...

Warbixin=xaruunta shirkada hormuud ee gaalkacyo oo dhamaad ku dhow xili golis ay fulisay amarkii gaas ee canshuurta laga qaadayo koonfurta gaalkacyo..,

0

Tani Waa mid kamid ah Xaalada Ka Taagan Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Galmudug kadib Markii Dhawaan Amar kasoo Baxay Puntland lagu Shaaciyay in Shirkada Golis iyo Shirkadaha Kale ee Puntland laga Qaadidoono Lacag Cashuur ah Taasi oo Xitaa Lagu Daray Shaqsiga Isticmaala Taleefoonka Dibada iyo Midka Dalka.

 

Shirkada Golis oo Xaruunteeda ugu Weyn ay Tahay Magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari Ayaa Dhawaan ka Hadashey Amarka Puntland ee ku Aadan Canshuuraha iyagoo Sheegay in ay Bixindoonaan Lacagahasi Lagu Amaray Taasi oo ka Dhigan in Shaqsi Walbo oo kasoo Jeedo Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug laga Qaado Canshuurta Puntland Madama Golis ay Xaruun ku Leedahay Koonfurta Gaalkacyo.

 

Marka La Fiirsho Shirkadaha ugu Weyn Dalka ee Hormuud Golis iyo Telesom Ayaa Mid Walba Gooni uga Shaqeysa Halka ay ku Taal Tusaale Koonfurta Waxaa Ka Shaqeysa Hormuud Dhanka Puntland Golis Halka Somaliland Ay Tahay Shirkada Teleson Waxana Shirkada Hormuud Xarunteeda ugu Danbeysa kutaal Dhulka Galmudug oo Dadka Daga Ay yihiin Kuwo Daga Koonfurta Dalka.

 

Hormuud Ayaa Markii Hore Damacsaneyd in Xaruunta Gaalkacyo Dhisto Labo Sano kohor iyadoo Dhulkii lagu Dhisi lahaa Baneesatay Hase Yeeshee Waxaa Arintaasi Carqalad ku Noqday Dad kasoo Jeeda Galmudug oo iyagu ku Shaqeynayay Dano Kale.

 

xiligaasi Shirkada Hormuud Waxay Hakad Galisay Dhismahaasi Lakin Sida Wararka Soo Gaaraya Mudug24 Ayaa Sheegaya in Shirkada Hormuud ay Bilowday Dhismahaasi isla Markana Ay Dhamaad ku Dhowyihiin.

 

inkastoo Xafiiska Golis ee Koonfurta Gaalkacyo uu u egyahay Mid Sii Shaqeynayo Hadana Waxaa Dadka Deegaanka Ay aaminsanyihiin in ugu Yaraan uu Dhicidoono Naxuus Xaga Macaamiisha.

 

Qaar kamid ah Shacabka Galmudug ayaa Soo Dhaweeyay Hormarka Magaalada iyo Dhismaha Waa Weyn ee Socda isla Markana Qeyb Ka Tahay Shirkada Hormuud somlia oo Xaruumo Badan ku Leh Dhulka Galmudug.

 

Hadii Shirkada Hormuud Ay Bilowdo Shaqada Rasmiga ee Koonfurta Gaalkacyo Waxaa Xiriir noqonaya Wicitaanka Koonfurta Gaalkacyo ilaa Xaruuntii Dalka ee Muqdisho Madama Horay Shirkada Dulsaar ugu Aheyd Golis isla markana Qofka Gaalkacyo Jooga Ay Qaali ku Aheyd Wicitaanka Muqdisho Marka Loo Fiirsho Midka Gudaha..

 

 

Dhibaatada Golis ee Bulshada Galmudug

 

Golis oo ah Shirkad ka Shaqeysa Deeganada Puntland Ayaa Xaruun ka Sameysatay Koonfurta Gaalkacyo Lakin Dhibka ugu Weyn Ayaa Ahaa Marka Dagaal uu ka Dhoco Gaalkacyo in Shirkada Ay Culees xoogan Saari jirtay Systemka Koonfurta Gaalkacyo iyadoo Dadka Waqooyiga Gaalkacyo ay si dhib la.an ah isku Wici jireen Waxana Xiligaasi Marka Shicibka Arintan Su.al ka Keenaan lagu Oran Jiray Waxaa Mashquul Noqday Qadka  ( Network Busy ) Lakin Hagardaamado intaa ka Badan..

 

Dhismaha Hormuud ee Gaalkacyo

 

ugu Danbeyn Akhriste Fakarkaaga Sidee u Aragtaa Arintan

 

Mudug24  Xafiiska Ankara

 

Mahadcelin Xafiiska Gaalkacyo ee Mudug24

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here