Home Wararka Somaliya Yuusuf Garaad oo Sheegay Xalka looga gudbi karo Khilaafka u dhaxeeya Madaxda...

Yuusuf Garaad oo Sheegay Xalka looga gudbi karo Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dalka

0

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka aloolsan Villa Soomaaliya ee u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisadda taagan ay tahay in la qabto doorashada, lana dardar-geliyo.

“Sida ugu nabdoon ee aan marxaladdan uga gudbi karnaa waa doorashada oo la toosiyo lana dardargeliyo,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale tilmaamay, haddii uu sii socda dagaalka siyaasadeed inuu sii fogaanayo doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuuu ka digay in xiisaddu ay isku bedasho gacan ka hadal sababa khasaare naf iyo maal leh.

“Ka sokow khasaaraha naf iyo maal leh iyo kala irdhowga, in gacan la isula tagaa waa ay fogeyneysaa ee ma soo dhoweyneyso doorasho,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalka ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso madaxweynihii hore ee dalka iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa isku cakiran, iyada oo Muqdishana ay soo galeen ciidamo ka tirsan kuwa bad-baado qaran.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ka degay (Sawiro)
Next articleMidowga Musharaxiinta oo dalbanaya in Farmaajo laga Saaro Madaxtooyada Dacwadna lagu soo oogo