Home Wararka Maanta Yaa ku gacan sarreeya dagaalka ka socda Khartuum? Maxaase laisku hayaa?

Yaa ku gacan sarreeya dagaalka ka socda Khartuum? Maxaase laisku hayaa?

0

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen caasimadda Khartuum oo uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada milateriga iyo xooggagga gurmadka degdega ah.

Muuqaal laga duubay garoonka diyaaradaha ayaa muujinaya diyaarad rayid ah oo halkaa ku gubanaysa. Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga, Saudia ayaa sheegtay in mid kamid ah diyaaradaheeda airbus ay “shil ku gashay garoonka”.

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Shacabka ayaa guryahooda ku sugan, waxaana jira walaac weyn oo ku aaddan xaaladda caasimadda Khartuum.

“Rasaas ayaa weli dhacaysa, dadkuna guryahooda ayay ku sugan yihiin, cabsi xooggan ayaana jirta,” ayuu tiri goob jooge la hadlay BBC-da.

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda, waxaana carruur badan ay ku go’doonsan yihiin iskuulladooda.

Ducaa Tariq ayaa BBC-da u warramaysay markii ay diyaarad milateri dul martay. “Si toos ah ayay u duqeynaysaa guriga igu xiga, waxaan ku suganahay meel aan ku gabbanayo,” ayay tiri.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Khartuum, John Godfrey, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda.

“Waxaan ku soo toosay dhawaqa rasaasta iyo dagaal. Waxaan hadda ku gabbanayaa meel ay joogaan shaqaalaha safaaradda, si la mid ah sida ay guryahooda ugu sugan yihiin shacabka Khartuum,” ayuu yiri safiirka oo ku baaqay in la joojiyo xabbada.

Safaaradda Ruushka ee Sudan ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay “xaaladda kacsan” waxaana ay ku baaqday in xabbada la joojiyo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xooggaga Dacmu Sariic ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas ay ka socoto xarunta warbaahinta dowladda, iyadoo dad goobjoog ah ay sheegeen in xooggaga Dacmu Sariic ay gacanta ku hayaan xaruntaas.

Taliyaha xooggagaas Jeneraal Maxamed Xamdaan Daqalo oo ku magac dheer Hemedti ayaa wacad ku maray in aanu dagaalka joojin doonin ilaa inta ay ka qabsanayaan saldhigyada ciidamada.

Waxa uu sheegay in Jenaraal Burhan uu yahay “dembiile” isla markaana la dili doono ama cadaallad la horgeyn doono.

Maxaa la isku hayaa?

Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.

Ad
Previous articleMaxaa Ka Jira In Inta Badan Xarumihii Dowlada Laga Saaray Milateriga Dalka Suudaan?
Next articleAlshabaab weerar isku Diyaarinaayay oo la,laayay