Home Wararka Maanta Yaa ka Danbeeyey Dilka Ganacsade Yuusuf Cali Xuseen oo Xalay La dilay

Yaa ka Danbeeyey Dilka Ganacsade Yuusuf Cali Xuseen oo Xalay La dilay

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelashada Biyaha ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay ganacsade caan ka ahaa deegaankaasi oo lagu magacaabayay Yuusuf Cali Xuseen.

Sida aan wararka ku heleyno ganacsadaha oo lahaa dukaan dharka lagu iibiyo ayaa la sheegay in ay u tageen labo nin oo ku hubeysnaa dareeska ciidanka dowladda sidoo kale watay qoryo, askartan ayaana la sheegay in ganacsadaha weediiyeen bixinta lacag baad ah balse uu ka diiday.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askarta hubeysan ay rasasa la dhaceen ganacsade Yuusuf Cali Xuseen, kaddib markii uu diiday bixinta lacagta baadda ah ee la weediiyay, dilka kaddib ayeyna raggii hubeysnaa goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala deegaanka Ceelasha Biyaha ayaana gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay dilka ninka ganacsadaha.

Askarta katirsan ciidanka dowladda ayaana mararka qaar dilal, dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesta dadka shacabka ah, waxaana askartaasi badankood ka baxsadaan laamaha caddaalada iyaga oo hubkii loogu tala galay in shacabka ku difaacaan u qaatay in ay shacabka ku dhibaateeyaan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Xalay Weerar kusoo qaaday Ciidamada Dowlada ee ku sugna Duleedka Muqdisho
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Khsaaraha Ka dhashay Weerarkii Beach View oo Kordhay