Home Wararka Somaliya Galmudug Yaa Ka Danbeeyey Dilka Ganacsadaha Maantay Lagu Dilay Hobyo Xageese kasoo jeedaa?

Yaa Ka Danbeeyey Dilka Ganacsadaha Maantay Lagu Dilay Hobyo Xageese kasoo jeedaa?

0

Nin Ganacsade oo lagu magacaabo xasan Abdirahman Ayaa Maantay lagu dilay Bartamaha Magaalada hobyo.

Ganacsadahaan ayaa Caan ka Ahaa Degmada Hobyo Marxuum Xasan Cabdiraxmaan Ayaa La sheegay in Shalay uu Muran Soo Kala Dhex Galay Asaga Iyo Ninka Maantay Dilay oo ay Daris ahaayeen.

Ganacsade Xasan Iyo Ninka Dilka U Gaystay ayaana Lahaa laba Dhul oo Isku Dhagan Sida Dadka Deegaanku Noo Sheegeen.

Labada Dhul Oo isku Dhawaa ayaa Sababtay inay isku Qabsadaan Dhowr Mitir oo U Dhaxaysay Muran Dheer kadib Ninkii Kale ayaa Raas Ooda uga Qaaday marxuumka Kaas oo ugu Danbayn U geeriyooday Rasaastaas.

Ganacsadaha La dilay ayaana kasoo Jeed Magaalada Bacaadwaybe oo ay Dagto Beesha Dir Qubays.

Ninka Dilka Gaystay oo Baxsaday ayaa Asna Kasoo Jeeda Magaalada Cadaado Gaar ahaan Beesha Reee Xaaji saleebaan Gacan ku Dhiiglaha ayaana Wali Soo Galin Gacanta Ciidamada Amaanka Magaalada Hobyo oo Wali Baadi Goobaaya.

Dadka Deegaanka Ayaana Ka Carooday Dilka Maantay ka dhacay Hobyo Xili Qabaailka Galmudug loogu Baaqay inay maalgashadaaan Dekada Degmada Hobyo.

Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo u ambabaxay New York
Next articleItoobiya oo maanta tallaabo cusub u qaaday fulinta heshiiska badda