Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Yaa ka Danbeeya Dagaalkii ka Dhacay Buurhakaba iyo Laftagareen oo Afka Furtay

Yaa ka Danbeeya Dagaalkii ka Dhacay Buurhakaba iyo Laftagareen oo Afka Furtay

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo hadal ka jeediyay magaalada Baydhaba ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Lafta-gareen ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo laba mooryaan oo huwan magac qabiil, ayna doonayaan inay dhibaato ka gaystaan degmadaasi.

“Qabiil isma dagaalsanee laba mooryaan oo laba bah ah waayay waxa is haysta” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in labada dhinac ee dagaalamaya inay adeegsanayaan Al-Shabaab iyo dad kale oo leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Nasiib darro aad u wayn waayay waxaan waligay maqlayna ma aha, waana dareemi karaa daruufta keentay dad dhalinyaro ah oo qori haysta oo nin walbaba uu isticmaalaayo oo Shabaabka uu isticmaalaayo oo kan xumaanta rabo uu isticmaalaayo inay maanta intay dad shacab ah dhexdiisa isu galaan is xabadeeyaan nasiib darro ayay tahay” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay kooxda Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay ka dambeyso dagaalka ka socda halkaasi.

“Dad mabda’a ay ku dagaalaayaan iyo waxa ay isku haayaan aan la garaneynin oo runtii ay soo adeegsadeen Shabaab waayay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri ‘Eelaay oo aan islahayn Mirifle dhan ayuu ugu ilbaxsan yahay in maanta oo la joogo 2024-ta uu is dagaalo waa wax ceeb ah”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka hortagi doono xiisaddaas, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono dadka ka dambeeyay dagaalkaasi.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWaqtii Dowladu u Qabatay Dhulka Dowlada ee Beesha Sacad oo Dhamaaday iyo Xaaf oo Wacad ku Maray inay Dagaalami Doonaan
Next article10 Safiir oo la Magaacaabay iyo Golaha Wasiirada oo Ansixiyay