Warar isburinaya oo hordhac ah ayaa ilaa hadda kasoo baxaya lahaanshiyaha hub fara badan oo saarnaa 2 baabuur xaamul ah, lana wareegeen dadka deegaanka Caabudwaaq, isagoo yimi dhinaca Itoobiya, xog ayaa sheegaysa in hubkan uu ahaa mid ay soo gadatay dawladda Faderaalka, loona waday ciidamo kusugan Galmudug & Hiiraan, iyadoo ay gacmo kale u dhaxeeyeen.
Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo isku dayay in ay hubkan dhaafiyaan dadka deegaanka ayaysan u suuragalin.
Dagaal Qaraar kadib waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey inay Hubkii Dhamaantiis Gacanta Ugalay Beesha Maraeexaan NISA ayaana Laga Dilay dhi 2 ruux iyo dhaawac kale intaas ka Badan Halka Beesha Mareexaan ay la Dhinteen 8 Ruux iyo Dhaawac ka Badan 20.
Hubkan, ilaa hadda gacanta dadweynaha galay ayaa ka kooban boobayaasha culus, kuwa fudud iyo saanad aan sahal aheyn, oo loogu talogalay ciidan xoogan.
Galmudug ayaana Caawa I dirtay Ciidamo Farabadan Magaalada Caabudwaaq kuwaas oo aan la ogayn Si ay kusoo Celin Karaan hub Gacan U galay Beelo igo Maleeshiyaad kala Duwan.